Jump to content

Xoolo

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan Xoolaha gurijooga ah. Kuwo kale fiiri Duurjoog iyo Xayawaan

Xoolo (ingiriis: livestock; carabi: ماشية) waa xayawaanka gurijooga ah ee dadku dhaqdo kaasi oo faa'iido badan u leh nolosha maalinle ee dadka.

Xoolaha waxaa ka mid ah lo'da, adhiga, geela, fardaha, dameeraha, idaha iyo mararka qaar oo lagu daro digaaga iyo shimbiraha kale la dhaqdo.

Guud ahaan xooluhu waa xayawaanka aadamuhu dhaqdaan ee la cuno hilibkooda lana cabo caanahooda, loo isticmaalo in la rarto, la fuulo (rakaab), beeraha lagu qoto iyo wixii la mid ah.

= Taariikhda Xoolaha ="Geela haddey naceen annaga macaawino ahaan hannoo siiyaan" Cabdishakuur Casoowe Nairobi 8 Jannaayo 2020 . XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka, Gela waxaa markii ugu horreysay Australia la geeyay qarnigii 19-aad

In ka badan 10,000 oo geel ah ayaa lagu tooganayaa waddanka Australia, gaar ahaan dhinaca koonfureed ee dalkaas, ka dib markii ay dadka biyaha ku ciriiriyeen xilli ay jiraan kuleyl daran iyo abaar baahsan.

Maanta oo Arbaco ah ayaa la billaabay leynta geela oo loo adeegsanayo diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo rasaas.

Tallaabadan ayaa la qaaday ka dib markii ay dadka ku dhaqan gobolkaas ka cawdeen geela oo guryahooda ka dhameysanaya biyaha.

Waxaa lasoo tabiyay in geel koox koox u socda uu waxyeelleeyay guryo iyo magaalooyin.

"Waxay ku wareegayaan waddooyinka, iyagoo biyo raadinaya. Waxaan xitaa u cabsaneynaa carruurteenna", ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Muddo shan maalmood ah ayaa la wadi doonaa howlgalka lagu leynaypo geela Koonfurta Australia.

Yurub oo geel argagixisada lagula dagaallamayo siisay dal Afrikaan ah Makhaayad dadka qaarkood aanu kaftanku u furnayn Sidoo kale qaar ka mid ah fardaha ku dhaqan gobolkaas ayaa la dili doonaa.

Rag ay wajiyada u daboolan yihiin oo ka socda waaxda arrimaha deegaanka iyo biyaha ee Australia ayaa loo xil-saaray inay toogtaan geela iyo fardaha kumannaanka ah.

Gobolka geela lagu baabi'inayo ee Anangu Pitjantjatjara Yankunytjatjara (APY) waxaa daggan dadka asalka ah ee u dhashay Australia.

Soomaalidu sidey u arkaan geela la leynayo? . XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Abuukar Xaaji Xaashi "Culusoow", waa nin ka ganacsada hilibka geela oo ku sugan Australia. Wuxuu ka hadlayaa sida ay u samaeyneyso leynta geela.

"Muddo 15 sano ah ayaan ka ganacsadaa hilibka geela, waxaana ahay qofka kaliya ee ganacsigaas ku heysta waddankan. Maalin kasta oo Arbaco ah waxaan gowracaa ugu yaraan 3 neef, dadka ugu badan ee iga iibsada hilibkiisana waa Soomaali. Saameyn adag ayey nagu yeelaneysaa howshan geela lagu leynayo, waayo inta la dilo mooyee inta kale wey naga fogaanayaan, taasina waxay dhaawac weyn gaarsiineysaa ganacsiga hilibka geela", ayuu yiri.

'Geela haddey naceen annaga macaawino ahaan hannoo siiyaan ama aan ka doonanno' Dadka Soomaalida ah geelu wuxuu agtooda ka yahay hantida ugu qaalisan adduunka, waxayna dhaqan u leeyihiin dhaqashadiisa.

Taariikh ayey Soomaalidu u leeyihiin xannaaneynta geela, wayna isugu faanaan, halka qaarkood ay isku sooraan, magta isaga bixiyaan ama yarad ahaan u kala qaataan.

Dhinaca Suugaanta xitaa waxay abwaanno badan ku ammaaneen geela.


Dubad Cali Cameey, oo guddoomiyaha guddiga suuq-geynta xoolaha ee dalka Kenya ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay go'aanka ay dowladda Australia ku qaadatay inay ku yareyso tirada geela ku nool waddankeeda.

"Geelu wuxuu ugu faa'iido badan yahay duunyada aan dhaqanno, waana laf-dhabarta xooladhaqatada. Xitaa marka uu dadku isdilo waxa la kala qaato waa geel. Marka nimanka geela leynaya ma yaqaannaan waxa uu geelu yahay, waana arrin nagu xanuun badan haddaan Soomaali nahay. Aniga waxay ila tahay, haddii ay naceen, Australia maadaama ay ka mid tahay waddamada mucaawinada bixiya inay annaga geela na siiso, ama ay na tiraahdo soo doonta", ayuu yiri Dubad Cameey.

Maxaa Soomaalida ka galay geela Australia? Cabdullaahi Carab Ismaaciil oo ka mid ah dadka geela ku dhaqda Somaliland ayaa su'aashaas uga jawaabay BBC-da.

"Waxaan aaminsan nahay in Geela Australia jooga halkan laga qaaday, arrinta kale ee na damqineysana waa in geelii qiimaha badan noo lahaa la iska leynayo, taas ayaana aad uga xun nahay. Geelu waa kan marka la dagaallamo naf dhan oo go'day la kala siisto, loogana samro", ayuu yiri Cabdullaahi.

Cimilada sababtay in Geela la laayo . XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Australia ayaa xilligan oo kale sanad walba waxaa ka jira cimilo aad u kulul, taasoo sababta inuu kuleyl dartiis dab uga kaco keymaha.

Ku dhawaad 2,000 oo guri ayaa ku gubatay dabkii saameynta ku yeeshay waddankaas bilihii lasoo dhaafay.

Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhintay musiibadaan tan iyo bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay.

Noocyada Xoolaha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida caadiga ah ereyga "xoolo" waxaan u isticmaalnaa xayawaanka gurijooga ah, laakiin waxaa guud ahaan loo yaqaanaa dhamaan xayawaanka dadku dhaqan karaan. Kuwaas oo loo isticmaalo cunto ahaan, xarago iyo qurux iyo rarasho.

Xayawaan / Nooc Xoolaha la dhaqdo Marka hore duurjooga ahaa Wakhtigii la bilaabay in la dhaqdo Meesha markii hore laga qabtey si loo dhaqdo Isticmaalka hada Sawir
Alpaca
Naasley
La dhaqdaa Vicuña intii u dhexaysay 5000 Ciise hortii ilaa 4000 Ciise Hortii Andes dhogor, hilib
Banteng

Naasley

la dhaqdaa Banteng Lama yaqaano Koonfurbari Aasiya hilib, caano, beer qodaal
Dibi Ameerikaan
Naasleey
la qabtey N/A lama yaqaano Late 19th Century Waqooyiga Ameerika hilib, dhogor
Geel
Naasley
la dhaqdaa leh noocyo duurjoog ah Intii u dhexaysay 4000 Ciise hortii ilaa 1400 Ciise hortii Aasiya xayawaanka lagu shaqeeysto, xayawaanka la fuulo, hilib, caano, timaha geela
Bisad
Naasley, hilibyacun
la dhaqdo Bisada Duurjogta Afrika 7500 Ciise hortii [1][2][3] Bariga Dhow xasharaad la dagaalan, Wehel, hilib
Lo'
Naasley, dhircun
la dhaqdo Aurochs 6000 BC Koonfurgalbeed Aasiya, Hindiya, Waqooyiga Afrika (?) Hilib (jiidh, subag, dhiig), caano, dhogor, xayawaanka lagu shaqeeysto
Deero
Naasley, dhircun
la qabto N/A lama yaqaano Qarnigii 1aad Ciise dabadii UK Hilib dhogor,
Ey
Naasley, hilibcun
la dhaqdo Yeey 12000 BC xayawaanka la isticmaalo dhabarkiisa, xayawaanka lagu shaqeeysto, xayawaanka lagu ugaadhsado, xayawaanka wax ilaaliya, xayawaanka wax raadiya, xayawaanka wax difaaca, hilib
Dameer
Naasley, dhircune
la dhaqdo Dameer duurjooga Afrika 4000 BC Masar xayawaanka la rarto, xayawaanka lagu shaqeeysto, xayawaanka beeraha lagu qoto, hilib, caano
Gayal
Naasley, dhircune
la dhaqdo Gaur lama oga Koonfurgalbeed Aasiya hilib, xayawaanka lagu shaqeeysto
Adhi
Naasley, dhircune
la dhaqdo Adhiga duurjoogta 8000 BC Koonfurgalbeed Aasiya caano, hilib, dhogor, maqaar, xayawaanka lagu shaqeeysto
Doofaar
Naasley, dhircune
la dhaqdo Cavia tschudii 5000 BC Koonfur Ameerika Hilib
Faras
Naasley, dhircune
la dhaqdo Faras duurjoog 4000 BC Yurub & Aasiya xayawaanka la fuulo, xayawaanka beeraha qoda, caano, hilib,
Llama
Naasley, dhircune
la dhaqdo Guanaco 3500 BC Andes xayawaanka lagu shaqeeysto, xayawaanka la fuulo, xayawaanka beeraha qoda, hilib, dhogor
Mule
Naasley, dhircune
la dhaqdo Qaraabo dhow la ah dameerka iyo faraska     xayawaanka lagu shaqeeysto, xayawaanka la fuulo, xayawaanka beeraha qoda
Doofaarka la dhaqdo
Naasley, waxwalbacune
domestic Wild boar 7000 BC Bariga Anatooliya Hilib, dhogor, wehel, cilmibaadhis
Bakeyle
Naasley, dhircune
la dhaqdo Duurjoog Bakeyle between AD 400-900 Faransiiska Hilib, dun, dhogor, pet, cilmibaadhis
Reindeer
Naasley, dhircune
badh la dhaqde Deerodeero 3000 Ciise Hortii Waqooyiga Ruushka Hilib, dhogor, caano, xayawaanka lagu shaqeeysto,
Ido
Naasley
la dhaqdo Idaha Aasiya Inta u dhexeysa 11000 Ciise Hortii-9000 Ciise Hortii Koonfur-galbeed Aasiya Dhogor, caano, hilib)
Dibiga biyaha
Naasley
la dhaqdo Dibi duurjoog, (Arni) 4000 Ciise Hortii Koonfurta Aasiya xayawaanka la fuulo, xayawaanka lagu shaqeeysto, hilib, caano
Yak
Naasley
la dhaqdo Yak 2500 Ciise Hortii Tibet, Neebaal Hilib, caano, dhogor, xayawaanka la fuulo, xayawaanka la rarto, xayawaanka lagu shaqeeysto

 

Isticmaalka Xoolaha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dhaqashada Xoolaha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  1. . News.nationalgeographic.com. 2010-10-28 http://news.nationalgeographic.com/news/2004/04/0408_040408_oldestpetcat.html. Soo qaatay 2011-12-10.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Muir, Hazel (2004-04-08). New Scientist http://www.newscientist.com/article/dn4867.html. Soo qaatay 2007-11-23.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Marsha Walton (2004-04-09). Edition.cnn.com http://edition.cnn.com/2004/TECH/science/04/08/cats.cyprus/index.html. Soo qaatay 2011-12-10.  Maqan ama ebar |title= (caawin)